Wadahadalka Liibiya oo Geneva ka furmay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Maleeshiyaad kala duwan ayaa ku dagaallamaya Liibiya

Waxaa ka furmay magaalada Geneva wadahadal ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay oo looga hadlayo xaaladda dalka Liibiya.

Wahadalada ayaa looga gol leeyahay sidii dhinacyada isku haya colaadda dalkaasi, loogu qancin lahaa ka qeyb qaadashada dowlad midnimo qaran.

Dalka Liibiya waxaa ka dhisan labo baarlamaan oo ay taageeraan maleshiyaad kala duwan.

Dagaalka ka socda Liibiya ayaa waxaa ku lug leh dhinacyo badan oo hubeysan, waxaana sanadkii lasoo dhaafay caasimadda Tripoli qabsaday maleeshiyaad isbahaystay oo ka soo jeeda galbeedka dalka.

Maleeshiyaadka ayaa dib u howlgaliyay baarlamaankii hore ee Liibiya, oo ay hadda u badan yihiin axsaab Islaamiyiin ah.

Isla xilligaasi, baarlamaanka uu caalamka aqoonsan yahay ayaa waxa uu u guuray bariga dalka, halkaasi oo uu hadda ku shaqeeyo.

Wadahadalka ay taageereyso Qaramada Midoobay ayaa mudo soo socday, balse wax xal ah oo muuqda lagama gaarin.

Heshiis qabyo ah oo lagu dhisayo dowlad midnimo qaran ayaa la isla meel dhigay, balse waxaa saxiixay oo keliya mid ka mid ah labada baarlamaan ee Liibiya ka dhisan.

Labadaasi baarlamaan ayaa looga fadhiyaa in ay saxiixaan heshiis dhabaha u xaaraya sameynta dowlad midnimo qaran iyo gole wasiiro oo uu hoggaaminayo ra'iisul wasaare awood leh.

Balse baarlamaannada ayaa looga baahan yahay in ay geedi socodka kusoo daraan maleeshiyaadka taabacsan.