Turkiga oo duqeymo cusub la beegsaday PKK

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ayaa duqeeyay saldhigyo ay leedahay jabhadda PKK

Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ayaa duqeymo dheeraad ah u geystay saldhigyo ay leedahay jabhadda Kurdiyiinta PKK oo ku yaalla Koonfur Bari dalkaasi.

Afhayeen u hadlay ciidammada Turkiga ayaa sheegay in ay beegsadeen 17 bartilmaameed oo ay jabhadda PKK ku leedahay magaaladda Hakkari ee u dhow soohdinta uu Turkiga la leeyahay Ciraaq.

Weriyaha BBC ee Istanbul ayaa sheegaya in duqeymaha cusub ay u muuqdaan kuwo uu Turkiga uga aargoosanayo, weerarradii Isniintii lagu qaaday ciidammada ammaanka, oo ay ku dhinteen 5 boolis ah iyo 4 rayid ah.

In ka badan 50 qof ayaa ku dhimatay iska hor imaadyo todabaadyadii lasoo dhaafay dhex maray ciidammada Turkiga iyo jabhadda PKK.