Ciyaartoy Kenyan ah oo la la'yahay

Ciyaartoyga caalamiga reer Kenya ee dhexda uga dheela naadiga Tusker, Osborne Monday, ayaa la soo sheeegay in la la'yahay kaddib markii gurigiisa Umoja ay galinkii hore Arbacadii ka kaxeysteen, dad sheegtay inay boolis yihiin.

Ciyaartoyga ayaa la soo sheegay in gurigiisa uu la joogay hooyadii iyo wiilkiisa markii koox wadatay gaari Toyota ah ay gurgiisa yimaadeen, iyagoo ka codsaday inuu raaco, waxayna u sheegeen hooyadii inay boolis yihiin, iyagoo sidoo kale ka qaatay taleefoonada hooyadii iyo wiilkiisa. Ilaa markaasna teleefoonka Monday wuu dansanaa.

Monday ayaa horraantii todobaadkii tagay galay qaliin jilibka ah, isagoo inta ka hartay ciyaaraha ka maqnaan doona.

Maamulka kooxda Tusker ayaa xaqiijisay in la la'yahay ciyaartoyga.

Saaxiibadiisa kooxda ayaa bilaabay olole ayaa ku raadinayaan.