Gariiga oo markab u kireeyay qaxootiga

Lahaanshaha sawirka
Image caption Markabka ayaa waxuu hoy u noqon karaa ilaa 2,500 oo qof.

Dowladda Gariiga ayaa bilawday inay diiwaan galiso qaxootiga tirada badan ee dhawaan imaaday jasiirada Kos.

Qaxootiga ayaa markab loo kireeyay si dadka loo siiyo hoy ku meelgaar ah inta la diiwaan galinayo.

Dadka ugu horeeyay ee markabka la saaray ayaa ah qaxootiga Suuriyiinta oo jidka seexan jiray tan iyo markay imaadeen.

Markabka ayaa waxaa soo diray dowladda Gariiga kadib markii rabshado ay dhasheen. Qaxootiga ayaa doomo kaga yimid Turkiga.

Markabka loo kireeyay qaxootiga ayaa waxa uu guri u noqon karaa ilaa laba kun iyo shan boqol oo qof.