Sii daynta Pistorius oo dib loo dhigay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Oscar Pistorius ayaa lagu helay danbi inuu saxiibtiis dilay.

Koonfur Afrika ayaa dib u dhigtay inay ku soo wareejiso ciyaaryahanka Oscar Pistorius gurigiisa si uu ugu dhamaysto inta xabsiga uga dhiman.

Pistorius ayaa la filayay in guriga loo soo wareejiyo toddobaadkan, kadib markii uu ugu jiray xabsiga toban bilood dilka saaxiibtiis Reeva Steenkamp.

Wasaarada Cadaalada ayaa sheegtsy gudiga cafiska inay dib u eegaan xukunka. Waxay sheegeen in go'aanka si dhaqso ah loo qaaday.