UN oo cambaareysay duqeynta Xudeyda

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Diyaaradaha Isbeheysiga waxa ay weli wadaan duqeymaha

Madaxa arrimaha bini’aadamnimada ee Qaramada midoobeey, Stephen O’ Brien ayaa si adag waxa uu u cambaareeyay isbeheysiga uu Sacuudiga hogaaminayo oo duqeyn u geystay dekedda Xudeyda ee dalka Yaman.

Waxa uu tilmaamay in tallaabadaasi ay jebineyso xeerka caalamiga ah ee arrimaha bini aadamnimada.

Markab ay saaran tahay cunto ay leedahay hay’adda WFP ayaa dekaddaasi taagnaa, kaas uu gargaar u sida dalka Yaman.

Dekadda oo ku taalla xeebaha galbeedka Yaman ayaa la duqeeyay, iyadoo ciidamada dowladda dibad joogga ahna ay halkaasi dagaal dhulka ah ka wadaan.

Xudeyda waxa ay muhiim u tahay raashiinka gargaarka ah iyo daawada dalka yaman ay hay’adaha geeyaan.

Xilli sii horeysay, barnaamijka cunnada adduunka, WFP ayaa sheegtay in colaadaha ka socda Yaman ay sababeen in qeybo ka mid ah dalkaasi ay ka bilaabato macluul iyo gaajo.

WFP ayaa ku qiyaastay in ku dhowaad 13 milyan oo qof inay u baahan yihiin kaalmo.