Tahriibayaal ku qulqulaya Hungary

Image caption Hungary ayaa dhisaysa silig ay ku wareejinayso xuduudeeda.

Boqolaal qof oo tahriibayaal ah oo intooda badan ka yimid Suuriya ayaa tagaya Macedonia, kadib markii masuuliyiinta ay fureen xudduuda ay la leeyihiin Gariiga.

Waxay qaadanayaan tareeno iyo basas u socda Serbiya, iyagoo rajaynaya inay galaan Hungary kadibna ay u safraan dalalka waqooyiga Yurub ee ka tirsan Midowga Yurub.

Khamiistii, Macedonia ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah boliiskana waxay ku fureen dadka xabadaha caaga ah, iyo gaaska ilmada dadka ka keena si ay dib ugu celiyaan dadka.

Qiyaastii laba kun oo qof ayaa imanaya Hungary maalin walba, ka hor intaan la dhamayn darbi silig ah oo ay xudduuda ku xirayso.