Ban Ki- moon oo la kulmaya Buhari

Image caption Ban Ki-moon ayaa ubax dhigay taalo loo dhisay dadkii ku dhintay weerarka xafiiska Qaramada Midoobay.

Xoghayaha guud Qaramada Midoobay, Ban Ki- moon, ayaa dhigay ubax magaalo madaxda Nigeria ee Abuja, si loo xasuusto dadkii ku dhintay weerarkii xafiiska Qaramada Midoobay afar sanno ka hor.

In kabadan labaatan qof ayaa ku dhintay weerar qarax baabuur oo lagu eedeeyay Boko Xaraam.

Mr Ban Ki -moon ayaa la kulmaya Madaxweyne Muxammadu Buhari, si looga hadlo ka hortaga dagaalada xagjirnimada.

Wuxuu kaloo la kulmi doonaa koox u ololaynaysa in la soo daayo in kabadan laba boqol oo gabdho oo Boko Xaraam ay afduubtay.