Shiinaha oo dhimay lacagaha dulsaarka ah

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Suuqyada saamiyada Shiinaha ayaa aad hoos ugu dhacay

Bangiga dhexe ee Shiinaha ayaa dhimay lacagaha dulsaarka ah si uu wax uga qabto qiima dhaca weyn ee ku yimid suuqyada saamiyada.

Suuqa saamiyada ee ugu weyn Shiinaha ee Shanghai, ayaa khasaaray in ka badan boqolkiiba todobo, halka Isniintiina uu khasaaray boqolkiiba sideed iyo bar.

Waa markii shanaad ee uu bangiga dhexe ee Shiinaha dhimayo heerka dulsaarka tan iyo bishii November ee sanadkii hore.

Khubarada ayaa sheegaya in tallaabadan ay u sahleyso bangiyada Shiinaha in ay macaamiishooda lacagaha amaahiyaan.

Suuqyada saamiya ee Yurub iyo Australia ayaa soo kabtay.

Arrinta suuqyada saamiyada ayaa laga dareemay Afrika, waxaana aad hoos ugu dhacay suuqyada saamiyada Nigeria.

Sidoo kale waxaa hoos u dhacay sarifka lacagaha dalalka Koonfur Afrika, Zambia, Uganda, Kenya iyo Ghana marka loo fiiriyo doolarka Mareykanka.

Waxaa la sheegay in lacag dhan shan boqol oo bilyan oo dollar lagu khasaaray hoos u dhicii suuqyada saamiyada caalamka ee Isniintii shalay.