SA: Boolis lagu helay in ay dileen nin

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sawir muujinayo darawalka taksiilaha ahaa ee lagu daba xiray gaariga booliska

Sideed askari oo ka tirsan booliska Koonfur Afrika ayaa lagu helay dembi ah in ay dileen darawal taksi oo u dhashay dalka Mozambique.

Darawalka ayaa dhintay kaddib markii lagu daba xiray gaari ay booliska leeyihiin.

Dilka oo ka dhacay magaalada Johannesburg sanadkii 2013-ka ayaa waxaa lagu duubay telefoon uu watay qof goobjooge ahaa, waxaana arrintaasi ay dhalisay caro ballaaran.

Xaakimka kiiskan ayaa sheegay in booliska ay u cadeyd in ninka uu dhimanayo, kaddib markii ay ku jiideen gaarigooda asagoo gacmaha ka jeebeysan.

Askarta ayaa diiday in ay dembi galeen, waxaana ay ku doodayaan in ninka uu ka dhacay gaarigii ay ku wadeen.