Jarmalka oo isku diyaarinaya qaxooti badan

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Waxaa la gubay xarun iskuul ahayd oo loogu tala galay in si kumeel gaar ah loo dajiyo qaxootiga.

Ra'iisalwasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa booqanaysa xarun qaxooti oo ay gubeen kooxo mayal adag toddobaakii hore dhamaadkiisii.

Waxay ku tilmaantay weerarka dad mudaaharaadayay bariga Jarmalka ee magaalada Heidenau wax xun oo ceeb ah.

Masuuliyiinta Jarmalka ayaa wax ka qabanaya weeraro ku soo badanaya xarumaha qaxootiga. Jarmalka ayaa isku diyaarinaya inay soo gaaraan qiyaastii sanadkan siddeed boqol oo kun oo qof oo qaxooti ah.

Naceebka loo qabo dadka ajnabiga wuxuu ku badan yahay bariga Jarmalka, oo dhaqaale ahaan wali ka danbaysa galbeedka Jarmalka labaayan iyo shan sanno kadib markii ay isku darsameen.