Muqdisho: Bandhiga buugaagta oo furmay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Bandhiga caalamiga ee buugaagta ee Muqdisho ayaa socon doona saddex maalmood.

Waxaa Muqdisho ka furmay bandhig caalami ah ee buugaagta isagoo socon doona saddex maalmood. Waxaa lagu soo bandhigi doonaa buugaag, gabayo la aqrinayo, ciyaaro iyo filimaan.

Qorayaal Soomaali, fanaaniin, iyo dad kale oo badan ayaa ka soo qaybgalaya.

Dadka qaban qaabiyay bandhiga, ayaa sheegay in ujeedadiisu tahay sidii loo soo celin lahaa dhaqankii waddanka oo baaba'ay kadib dagaalo socday in kabadan labaatan sanno.