Natiijooyinka horyaalka ee Sabtidan

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Manchester City

Sabtidan waxaa dhacay siddeed ciyaarood oo ka tirsan horyaalka kubbadda cagta ee Ingiriiska.

Waxaana loo kala badiyay:

Newcastle 0 - 1 Arsenal

Liverpool 0 - 3 West Ham.

Chelsea 1 - 2 Crystal palace

Manchester City 2- 0 Watford

Aston Villa 2 - 2 Sunderland

Mournemouth 1 - 1 Leicester

Stoke 0 - 1 West Brom

Waxaa toddobaadkan dharbaaxo xun ay ku dhacday Chelsea oo gurigeeda ay uga yaabsatay kooxda yar ee Crystal Palace.

Waxaana ay guuldarradani ku soo beegantay ciyaartii 100aad ee Jose Mourinho uu maamule u noqdo kooxda Chelsea ee horyaalka difaacanaysa.

Waxaa kaloo jab ku dhacay kooxda Liverpool oo markii ugu horreysay laga badiyay intii uu horyaalkani socday.

Horyaalka waxaa hoggaaminaysa Manchester City, oo ku wada guulaysatay afartii ciyaarood ee ugu horeeyay ee ay u safatay.

Tottenham iyo Everton ciyaartoodu way socotaa waqtiga daabacaadda maqaalkan.