Hungary oo lagu dhaleeceeyay xirida xuduudda

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Hungary ayaa lagu eedeeyay darbiga ay ka dhistay xuduudda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska, Laurent Fabius ayaa ku tilmaamay sida ay ula dhaqmeen qaar ka mid ah waddamada Yurub dadka tahriibaya inay tahay si aan fiicnayn.

Wuxuu cambaareeyay waddamada ku jira Midowga Yurub gaar ahaan bariga Yurub inay diideen inay tiro ka qaataan dadka soo galaya Yurub.

Wuxuu si gooni ah u dhaleeceeyay Hungary oo ka dhistay darbi silig ah si ay u joojiso dadka ka soo galaya Serbia. Wuxuu sheegay inaysan dhawrin dhaqanka ay Yurub wadaagto.

Faransiiska, Britain iyo Jarmalka ayaa codsaday kulan deg deg ah ee wasiirada Midowga Yurub, si ay ugu helaan xal dadka tahriibayaasha ee soo badanaya.