Daanta Galbeed oo la isku rasaaseeyay

Lahaanshaha sawirka AFP

Tiro dad ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen rasaas ay is waydaarsadeen ciidammada Israa'iil iyo dagaalyahano Falastiiniyiin ah arrintaas oo ka dhacday Daanta Galbeed.

Masuuliyiin Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in israsaasayn culus ay dhacday markii ay ciidammada Israa'iil isku gadaameen guri ku yaala Jenin iyaga oo isku dayaya in ay soo xiraan dagaalyahano Islaamiyiin ah.

Shan ruux oo Falastiiniyiin ah iyo qof Israa'iili ah ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen. il wareed ururka Xamaas ka tirsan ayaa sheegay in la qabtay labo ka mid ah xubnahooda balse uu mid kii saddexaad ka baxsaday xariga.