Kenya iyo shaqo joojinta macalimiinta

Macallimiinta Iskuullada dowladda ee Kenya ayaa maanta waxa ay billaabeen shaqo joojin, kaddib dowladda ay fulin wayday go'aan maxkamadeed oo macalimiinta u ogolaanayay in murshaaraadka loo kordhiyo boqolkiiba 50.

Ururada Macallimiinta ayaa dowladda Kenya waxa ay u qabteen illaa iyo xalay saqdii dhexe in lacagahaasi ay ku bixiso.

Arrintani ayaa saameyn weyn ku yeelatay gobolka woqooyi baro oo horey ula dhibanaa macalimiin la;aan ka dhalatay amni xumada.

Deeqow warsame oo kamida waalidiinta magaalada gaariisa carruurta u dhigtaan iskuulda, ayaa walaac weyn ka muujiyey shaqo joojinta macalimiinta , iyadoo culays badan kusoo kordhisay noloshiisa .