Tahriibayaal laga badbaadiyay dhimasho

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Boliiska Austria oo baaraya baabuurta.

Boliiska Austria ayaa ka badbaadiyay labaatan iyo afar qof oo Afghanistan u dhashay, iyagoo saaran baabuur aan hawo lahayn oo ay si qarsoodi ah ugu soo galayeen waddanka.

Afhayeenka ayaa sheegay in dadka aysan noolaan lahayn hadaan la badbaadin.

Darawalka oo u dhashay Romania ayaa la xiray.

Toddobaadkii hore, boliiska Austria ayaa helay maydka toddobaatan iyo kow qof oo ku dhintay gaari ka yimid Hungary.

Dowladda Hungari, ayaa xirtay tareenkii ay dadka ku imaanayeen magaalada Budapest oo dad badan ay doonayeen inay raacaan oo ay ju tagaan waddamada galbeedka Yurub