Ammaanka Labnaan oo la adkeeyay

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dadka banaanbaxaya ayaa doonaya isbadal siyaasadeed.

Ciidamada ammaanka ee Labnaan ayaa la dhigay jidadka magaalo madaxda Beirut, iyadoo ay bilaabanayso wadahadalka u dhaxeeya siyaasiyiinta si loo xaliyo dhibaatooyin taagan.

Dad ka soo horjeeda dowladda ayaa qorshaynaya inay qabtaan mudaaharaad wayn caawa, iyagoo sii wada waxay dalbanayaan oo ah la xisaabtanka dowladda.

Caro ka timid qashin wadada Beirut ka buuxsamay u sii waynaaday dhaqdhaqaaq mudaaharaad. Waxay doonayaan in la dhameeyo musuqmaasuqa siyaasada cuuryaantay ee baarlamaanku ku dooran la'yahay madaxweyne cusub in ka badan hal sanno.