Apple oo soo bandhigtay TV cusub

Lahaanshaha sawirka Apple
Image caption Telefishinka cusub ee apple

Shirkadda Apple ayaa soo bandhigtay dhalo telefishin cusub ah oo leh keyd barnaamij lagu adeegsan karo.

Madaxa shirkadaasi Tim Cook, ayaa daaha ka qaaday telefishinka cusub oo leh shaashad taabasho lagu wadi karo iyo weliba makarafoon u sahlaya qofka inuu codkiisa ku amro shaashada.

Telefishinka ayaa dadka adeegsanaya usoo bandhigaya aflaamta ay xiiseynayaan iyo weliba adeegyo kale, waxaana sidoo kale lagu dheeli karaa ciyaaraha loo yaqaano video games-ka.

Shirkadda Apple oo laga leeyahay Mareykanka ayaa horay guul uga gaartay iibinta ciyaaraha noocaasi ah ee ku yimaada telefoonnada ay sameyso ee iPhones.