Kenya: Warbixinta gudiga xuquuqda bini'aadanka

Image caption Ciidamada ammaanka ee Kenya.

Gudiga xuquuqda bini'aadanka ee Kenya, ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ladagaalanka argagixisada ee Kenya ay la socdaan dilal sharci daro ah iyo dadka laga shakisan yahay oo la waayo.

Warbixinta oo cinwaankeedu yahay qaladka argagixiso lagula dagaalamayo argagixiso, ayaa ifinaysa eedeymo in kabadan boqol iyo labaatan oo la soo jeediyay kadib hawlgalo ciidamada ay kula dagaalamayaan argagixisada.

Warbixinta ayaa sheegtay dadka laga shakisan yahay in lasoo xirayo si loo jirdilo ama loo dilo.

Waxay intaa ku dartay in ciidanka uu beegsaday muslimiinta iyo dadka Soomaalida, taasoo keeni karta nacayb iyo xagjirnimo.

Waxa muhiim ka ah ayaa ah, in baaritaanadan ay sameeyeen hay'ad dowladda ay taageerto oo ku eedeynaysa ciidamada ammaanka inay sameeyeen sharci daro.