Dhulgariir ka dhacay Chile

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dadka ayaa lagula taliyay inay joogaan meelaha dhulka uu sareeyo.

Chile ayaa ka bixisay hal milyan oo qof oo degan xeebaha agteeda, kadib markii dhulgariir uu keenay Tsunami hirarkiisu ay gaarayaan afar iyo bar meter meelaha qaar.

Ugu yaraan shan qof ayaa dhintay. Dhulgariirka oo xoogiisu ahaa 8.3, ayaa ka dhacay meel u jirta 250 km waqooyi galbeed magaalo madaxda Santiago.

Dowr dhulgariiryo oo ka danbeeyay kii waynaa ayaa ka dhacay gobolka.

Telefishinka ayaa laga soo saaray fatahaado ka dhacay magaalooyinka Coquimbo iyo Valparaiso.

Madaxweynaha Michell Bachelet, ayaa ugu baaqday dadka laga bixiyay xeebaha agtooda inay joogaan meelaha dhulka uu sareeyo.