Dhul gariir ku dhuftay dalka Chile

Image caption Dhul gariirka Chile

Dawladda Chile ayaa daad guraysay hal milyan oo ruux oo daganaa agagaarka xeebaha, kaddib dhul gariir xoog badani oo ku dhuftay dalkaasi.

Dhul gariirka ayaa sababay hirar waawayn oo joogooda lagu qiyaasay ilaa afar iyo bar mitir.

Cabirka dhul gariirka ayaa lagu qiyaasay sideed dhibic saddex (8.3) waxa uuna ku dhuftay meel 250 kiiloo mitir u jirta caasimadda dalkaasi Chile ee Santiago.

Sawiro ka soo muuqday talafeshinka ayaa muujinaya biyo ku fatahay deegaanada magaalooyinka Coquimbo iyo Valparaiso.

Madaxwaynaha dalkaasi Michell Bachelet ayaa ku baaqayday in dadka la daadgureeyay ay joogaan dhulka joogiisu sareeyo.