Volkswagen oo ka shireysa ciladda gawaarideeda

Lahaanshaha sawirka AFP

Madax sare oo ka tirsan shirkadda gawaarida Jarmalka ee Volkswagen ayaa maanta ka shiraya xiisadda waxa laga yeelayo, kaddib markii shirkadda lagu helay inay wax ka badashay qiiqa ka baxa gawaarideeda naaftada.

Waxay ka fiirsanayan hadii la badalyo madaxa fuliyaha shirkadda, Martin Winterkorn.

Wararka ka imaanaya Jarmalka ayaa sheegaya inuu waayay taageerada maalgeliyayaasha ugu muhiimsan, taasi oo ka dambeysay kaddib markii la geliyay gawaarida naftada ee la geeyay Mareykanka, qalab qariya heerka qiiqa ka baxa gawaarida.

Shirkadda ayaa u diyaarisay 7 bilyan oo doolar oo wax looga qabto qarashaadka lagu dayactirayo 11 milyan oo gaari oo dunida oo dhan ah.