Dhimashada xajka oo ka badan 700

Lahaanshaha sawirka AP

Saraakiisha Sucuudiga ayaa sheegaya in tiro ka badan 700 oo ruux la ogyahay inay ku dhinteen isjiiriddii ka dhacday Xaramka.

In ka badan 800 oo kale ayaa ku dhaawacmay dhacdadan ka dhacday Mina oo u dhow magaalada Makah, halkaasi oo xujeyda ay dhagxaanta ku tuurayeen sheydaanka.

In ka badan labo milyan oo Muslimiin ah oo dunida oo dhan ka kala yimid ayaa sanadkan ka qeybgalaya xajka.

Bilowgii sanadkan ayaa waxaa xajka hareeyay wiish ku soo dhacay masjidka Makah, waxaana ku dhintay in ka badan boqol ruux.