Hollande: Sacuudiga ha joojiyo dilka nin Shiico ah

Lahaanshaha sawirka other
Image caption Sacuudiga ayaa dil ku xukuma dadka lagu eedeeyo dembiyada qaar

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, waxa uu dowoladda Sucuudiga ugu baaqay inay joojiso xukunka dilka ah ee lagu riday nin Shiico ah oo lagu eedeeyay inuu dembi galay asigoo 17 sano jir ah.

Cali Maxammed al-Nimr waxaa la xiray asigoo ka qeybgalaya dibad bax dimuquraadiyad lagu taageeraayo oo Sucuudiga ka dhacay 2012kii.

Waxaa dil lagu xukumay kaddib markii la sheegay in lagu cadeeyay inuu ku biiray koox burcad ah oo booliska weeraray.

Waxaa la sheegayaa in xilli kastaa ay suuragal tahay in madaxa laga gooyo.

Sidoo kale aabaha dhalay ayaa sidoo kale boqor Salmaan ka codsaday in wiilkiisa la cafiyo.

Horraantii Isbuucaan, Qaramada midoobey waxa ay Sucuudiga ugu baaqday inay joojiso dilka dadka lagu fuliyo, oo ay ka mid yihiin caruur.