Swiss oo dacwad ku furtay Blatter

Lahaanshaha sawirka AFP

Mas'uuliyiinta Swiss, ayaa ku dhawaaqay inay dacwad ku fureen Sepp Blatter, madaxweynaha xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud, ayaa sheegaya inuu baarayay dambi looga shakiyay maamulxumo.

Eedaha loo haysto Blatter, ayaa waxaa ka mid ah, wax ay saraakiishu ugu yeereen bixin aan daacad aheyn, oo la siiyay labo miliyan oo doolar madaxa kubadda cagta Yurub, Michel Platini.

Madaxa FIFA, ayaa lagu qasbay inuu joojiyo shir jaraa'id oo la qorsheeyay oo ka dhici lahaa Zurich, waxa uuna halkii uu shirka ka tagi lahaa ka jawaabayay su'aalaha booliska.