Ruushka iyo Ukraine oo heshiis gaaray

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Gaaska Ruushka ayaa laga jooojiyay Ukraine markii labada dal uu khilaafka soo kala dhexgalay

Kaddib muddo khilaaf ah, Ruushka iyo Ukraine waxay ugu dambeyn isku afgarteen heshiis ah in gaaska dabiiciga ah ee Ruushka loo dhoofiyo Ukraine, xagaaga soo socda.

Heshiiska oo ay dhexdhexaadiyayaal ka ahaayeen midowga Yurub, waxa uu xaqiijinayaan in Ukraine si dhib la’aan ah loo gaarsiiyo gaaska Ruushka lixda bilood ee soo socota gudahood.

Sidoo kale gaaskaasi waxaa loo gudbin doonaa dalalka galbeedka Yurub.

Heshiiska waxaa la gaarayaa iyadoo xukuumadda Mowcow weli ay taageereyso kooxda gooni u goosadka ee bariga Ukraine.