Kunduz: MSF oo dhaawac badan dawaynaysa

Lahaanshaha sawirka
Image caption Dowladda ayaa maanta dagaal ku qaaday Taliban si ay magaalada dib ugu qabsato.

Hayadda gargaarka caafimaadka ee MSF ayaa sheegtay in isbitaalkeeda magaalada Kunduz ay la halgamayaan dad ku dhaawacmay dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo taliban.

Wakiilka MSF ee Afghanistan, Guilhem Molinie, ayaa sheegay in in kabadan boqol dhaawac yaalaan sariiraha isbitaalka, meesha dadka uu maro iyo xafiisyada.

Daawooyin deg deg ah ayaa Kuduz loo marsiiyay dhulka iyo cirka.

Horaantii madaxweynaha Afghanistan, Ashraf Ghani, ayaa sheegay dhismayaal dowlad in dib looga qabsaday Taliban oo qabsatay magaalada istiraajiyada ah Isniintii.