UNHCR: In kabadan nus milyan ayaa yimid

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Qaxootiga ayaa badankood ka imanaya Suuriya.

Hayadda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tirada qaxootiga ee imanaya Yurub sanadkan ay dhaafeen nus milyan. Taasoo kabadan laba jibaar dadka imaaday 2014.

Tiradii ugu danbaysay ayaa muujinaysa in in kabadan shan boqol afar iyo toban kun ay badda soo mareen ayna badbaadeen. Ku dhawaad saddex kun ayaa diiwaan gashan inay maqan yihiin ama dhinteen.

Qaramada Midoobay, ayaa ayaa sheegtay dadka imaanaya badankood inay dagaal ka soo cararayaan ayna ka imanayaan Suuriya.

Sanadkan, hayadda ma filanayso inay dadka yaraadaan iyadoo waqtiga qabowga uu soo dhow yahay.