Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xidigaha Geeska oo maxkamad la keenay

Afarta fanaan ee ka tirsan xiddigaha geeska Nimcaan Hillaac Xamda Queen, Maxamed Axmed Bakaal iyo Cabdiraxman Caydiid Cabdi, oo boliiska Somaliland ka qabteen axaddii gegida dayuuradaha ee Hargeysa iyagoo markaasi fanaaniintaasi ka soo laabtay magaalada muqdisho , ayaa maanta markii ugu horeysay la horkeenay maxkamadda gobolka ee Hargeysa.

Xaakimka maxkamadda, ayaa boliiskii waday afarta fanaan wuxuu ku wargeliyay inaanay u soo marin qabashada fanaaniitaasi si sharci ah oo ruqsad maxkamaddeed aanay heysan, sidaa darteed ay sharciga soo waafajiyaan.

Hoolka maxkamadda oo dadweyne u badan fanaaniin ay joogeen, ayaa waxaa weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige u suurtagashay inuu galo hoolka oo uu arko afarta fanaan ee xidhan oo markii danbe boliisku dib ugu celiyeen saldhiga dhexe ee Hargeysa.