IMF: Saamaynta dhaqaalaha waddamada soo koraya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxa IMF Christine Lagarde.

Madaxa Hayadda Lacagta Adduunka ee IMF, Christine Lagarde ayaa ka digtay inay jiraan sababo looga walaaco xaalada dhaqaalaha adduunka.

Waxay sheegtay, in waddamada dhaqaalahooda uu soo korayo ay u eg tahay inay gali doonaan sanadkoodii shanaad ee hoos u dhaca dhaqaalaha, ayna jiri doonto oo akliya horumar yar sanadka 2016

Ms Lagarde ayaa sheegtay in labada wax ee maraykanka oo kordhinaya dulsaarka, iyo dhaqaalaha Shiinaha oo hoos u dhacaya ay keentay hubaal la'aanta iyo isbadal badan suuqyada.

Laakiin waxay sheegtay in dhaqaalaha uu kordhayo Yurub, Japan, US iyo Britain.