Nigeria: Buhari oo maamulaya shidaalka

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Muhammadu Buhari oo ka hadlaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dalka Nigeria Madaxweyne Muhammadu Buhari ayaa shaaca ka qaaday inuu isagu ahaan doono madaxa wasaarada shidaalka waxaanu hadalkani ka sheegay mar uu ka hadlayey xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Nigeria ayaa 90% lacagteeda adag ka hesha Batroolka ay dhoofiso iyadoo qiimo dhaca batroolka caalamka ku yimid uu dalkaasi galiyey xaalad dhaqaale oo adag .

Hay'adaha Batroolka ee Nigeria ayaa musuq maasuq ragaadiyay, waxaana madaxweyne Buhari balan qaaday xilligii doorasahada inuu musuqa la dagaalami doono.

Waxaa jiray tuhun ahaa in madaxwaynaha Nigeria Muhammadu Buhari uu isaga qaban doono xilka wasaarada shidaalka, hadda waxa uu xaqiijiyay in wasiir kalkaaliya uu wadi doono hawsha maalin laha ah ee wasaaradda balse, uu isagu si guud u maamuli doono, si uu wax uga qabto musuqmaasuqa hareeyay wasaarada.

Sanadihii 1970-yadii iyo 1990-yadii Muhammadu Buhari waxa uu qabtay xilal sare oo wasaarada shidaalka, sidaas daraadeed wuxuu leeyahay khibrado la xiriira wasaaraddaasi.

Buhari, waxa uu balan qaaday in uu soo celin doono lacagaha badan ee shidaalka ee la dhacay isla markaasna uu maxkamad keeni doono dadka arrintaasi ka dambeeya.

Dadka falanqeeya qaarkood waxa ay sheegayaan in jagadan muhiimka ah uusan cid kale ku aaminaynin.

Saacadaha soo socda waxaa la filayaa in uu ku dhawaaqo golahiisa wasiiradda ee wakhtiga dheer la sugayay.

Muhammadu Buhari waxaa xilka loo dhaariyay Bishii shanaad ee sanadkan, wuxuuna u gudbin doonaa liiska gollahiisa wasiirada Sanetka dalkaasi si ay u ansixiyaan.

Soo xulidda wasiirada ee xilaga dheer qaadatay, waxaa ay u muuqataa in looga gol lahaa in baaritaan lagu sameeyo dadka si aan xil loogu dhiibin dad musuqmaasuq aan samayn.