Xidigaha Geeska oo la sii daayay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Xidigaha Geeska

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, oo galabta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa caddeeyay in galabta xabsiga laga soo daayay afartii fanaan ee ka tirsanaa Xiddigaha Geeska ee ku xirnaa Hargeysa afar maalmood.

Wasiirku wuxuu kaga hadlay shirkiisa jaraa'id sababta loo xiray fanaaniintaasi oo Muqdisho ka soo dhigay bandhig faneed Ciidii.

Gudoomiyaha maxkamadda ayaa ku amray taliyaha qaybta boliiska ee dambi baarista CID iyo taliyaha saldhiga dhexe ee boliiska ee Hargeysa inay sii daayaan maxaabiista.