WHO oo badashay talooyinka HIV

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Anti-retroviral

Hayadda Qaramada Midoobay ee caafimaadka ee WHO ayaa badashay talooyinkeeda ku saabsan HIV, iyagoo soo jeedinaya in qofkii laga helo viruska cudurkaas lagu daaweeyo daawada anti-retroviral isla markiiba.

WHO ayaa sheegtay in tijaabo la sameeyay ay sheegtay in hadii goor hore la isticmaalo daawada ay dheeraysay nolosha dadka qaba HIV, ayna hoos u dhigtay qatarta gudbinta Viruska keena AIDSka.

Waxay markii hore dhaqaatiirta kula taliyeen, in la sugo ilaa habka difaaca jirka uu sheego inay jiranayaan intaan daawada la siin. Talooyinka cusub ayaa badinaya dadka daawooyinka la siinayo oo ka dhigaya ilaa soddon iyo toddobo milyan oo qof.