Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tallooyinka hiigsiga 2016

Aqoonyahano Soomali ah, oo shir ku qabtay Muqdisho ayaa soo bandhigay maanta tallooyin ay ugu tala galeen sida hogaanka dalku noqon karo marka uu dhamaado waqtiga dawladda federaalka sanadka 2016.

Waxaa iyaguna isla shirka tallaabooyin ka soo jeediyey xubno ka mid ah ururada bulshada rayidka ah.

Wariyaha BBC Ibraahim M Adan oo shirka tagay oo dhageystay wixii laga soo jeediyey iyo cidii soo jeedisay ayaa warbixintan noo soo diray.