Gobolada Koonfurta Sudan oo la badiyay

Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxweynaha dalka Koonfurta Sudan, Salva Kiir, ayaa ku dhowaad seddax laab ka dhigay tirada gobolada dalka.

Gobolada oo toban ahaa ayaa laga dhigay sideed iyo labaatan, wuxuuna afhayeen u hadlay sheegay, in tani ay kor u qaadeyso adeegga iyo iyadoo awood badan ay helayaan dadka.

Hoggaamiyaha falaagada Riek Machar, ayaa sheegay Mr Kiir uu jabiyay heshiiskii nabadda ee August la saxiixday, kaasi oo ku saleysnaa in dalku la haado 10 gobol.

Heshiiska, ayaa la filayay in uu soo afjaro dagaalka socday ku dhowaad labada sano, balse weli waa ay socdaan dagaaladu.