Mareykanka oo dacweeyay seddax qof oo qaraabo ah

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Waxaa seddaxdaba lagu eedeeyay lacag isdabamarin iyo ka ganacsiga daroogada

Mid ka mid ah dadka dhanka ganacsiga ugu xoogga badan, afar jeerna u tartamay xilka madaxweynaha dalka Honduras, Jaime Rolando Rosenthal, ayaa Mareykanka uu ku oogay dacwad.

Waxaa lagu eedeynayaa inuu maandooriyayaal ka ganacsaday iyo isdabamrinta lacagaha.

Adeerkiisa, Yankel, oo ahaan jiray wasiirka maalgashiga Honduras, oo sidoo kalena ah madaxa mid ka mid ah kooxaha ciyaaraha kubadda cagta ee ugu caansan dalkaasi ayaa sidoo kale la eedeeyay.

Dadka kale ee dacwadda lagu oogay waxaan ka mid ah Yani oo ina adeerkiisa ah, marna xubin ka ahaan jiray golaha wasiirada.

Waaxda keyd haynta Mareykanka waxa ay sheegtay in seddaxdan qof ay si sharcidaro ah ay lacago ugu gudbiyeen ururo daroogada caalamiga ah ka shaqeeya oo ku sugan bartamaha qaaradda Amerika.

Yankel Rosenthal waxa uu hadda ku xiran yahay xabsi ku yaalla gobolka Miami, laakiin, Jaime iyo Yani Rosenthal, oo la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin Honduras waxa ay soo saareen qoraal ay ku beeninayaan eedaha loo jeediyay.