Daraasaad ka digay sigaarka

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dad badan ayaa dalka Shiinaha caba sigaarka.

Daraasaad cusub ayaa ka digay in laba milyan oo qof ay u dhiman karto sanad walba dalka Shiinaha cuduro la xiriira sigaarka sanadaka markuu yahay 2030.

Daraasaadka oo lagu daabacay joornaalka Lancet ee ka warama caafimaadka, ayaa sheegay in ragga Shiinaha ay qatar gooni ah ay ku jiraan sababtoo ah boqolkiiba lixdan iyo lix nimanka ayaa caba sigaarka.

Tirada dadka sigaarka caba ayaa korortay sanadihii ugu danbeeyay.

Baarayaasha ayaa go'aankan gaaray kadib markii ay sameeyeen laba baaritaan oo u dhaxaysay shan iyo toban sanno, oo ay ku sameeyeen boqolaal kun oo qof.