Madaxda FIFA ee shaqada laga joojiyay oo isdifaacaya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Sepp Blatter waxa uu ku doodayaa inuusan dembi sameynin uuna racfaan ka qaadanayo go'aanka

Seddaxda qof ee ugu sareysay xiriirka kubadda cagta ee FIFA ayaa waxa ay ku dhawaaqeen inay dembi la’aan yihiin kaddib markii shaqa joojin 90 maalin ah lagu sameeyay ayagoo lagu eedeynaayo musuqmaasuq.

Madaxa FIFA, Sepp Blatter, waxa uu sheegay inuu racfaan qaadan doono uuna soo bandhigi doono cadeyn uu ku muujinayo inuusan qalad sameyn.

Madaxa xiriirka kubadda cagta ee Yurub Michel Platini, waxa uu ku tilmaamay inuu la yaabau cadeyn la’aanta eedaha ka dhanka wuxuuna go’aansaday inuu la dagaallami doono.

UEFA waxa ay sheegeen inay si buuxda ugu kalsoon yihiin, balse waxa ay tilmaameen inuusan shaqadiisa qabaneyn illaa waqtiga loo qabtay.

Xoghayaha guud ee FIFA, Jerome Valcke, waxa uu dhankiisa diiday inuu musuqmaasuq sameeyay.

In seddaxdan xubin shaqada laga joojiyo waxa ay timi kaddib markii xeer ilaaliyaha guud ee Switzerland uu billaabay kiis dacwo oo ka dhan ah Sepp Blatter.