Haweeney Falastiini ah oo isqarxisay

Lahaanshaha sawirka Reuters

Booliska Israel, ayaa sheegay in haweeney Falastiini ah oo ay ku joojiyeen bar kontorool oo daanta galbeed ah, ay isku qarxisay gaarigeeda.

Haweeneyda oo uu dhaawac daran soo gaaray, ayaa waxaa la dhaawacmay sarkaal boolis ah.

Afhayeen u hadlay booliska, ayaa sheegay in haweeneyda ay si laga shakiyo u waday gaariga, lana joojiyay. Waxay ku qeylisay "Allaa weyn" oo kaddibna waa isqarxisay.

Mar sii horeysay ayaa labo ruux oo Falastiini ah, oo hooyo iyo gabadheeda ahaa lagu dilay duqeyn cirka oo Israel ku qaaday Gaza.

Saraakiil joogta Gaza, ayaa sheegay in guriga haweeneydu uu daris la ahaa goob Xamaas ay ku tababartaan.

Ra'iisul wasaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa amray in boqolaal booliska keydka ah la soo bixiyo si ay u soo celiyaan ammaanka Jerusalem kaddib markii ay rabshaduhu kordheen.