Tirada dhimashada Turkiga oo gaartay 95 qof

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dadka la qarxiyay waxa ay ka qeybgalayeen isu soobax nabadeed

Dowladda Turkiga, ayaa diiday eedo uga yimid hoggaamiyayaasha Kurdiyiinta oo ah in ay ku lugleeyihiin weerarkii sabtigii ka dhacay socodkii nabadeed ee Ankara, kaasi oo ay ku dhinteen 95 ruux.

In kabadan 200 ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi oo noqday kii ugu dhimashada badnaa eek a dhaca Turkiga.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Ahmed Davutoglu, waxa uu ku dhawaaqay seddax maalin oo baroordiiq ah.

Intabadan dhibanayaasha ayaa la sheegayaa inay yihiin taageerayaasha xisbiga kurdiyiinta ee HDP.

Taageerayaashaasi waxa ay qaraxa ku eedeeyeen maamulka dalka, laakiin dowladda Turkiga way beenisay eedahaasi, waxayna ku eedeysay ururka la baxay dowladda Islaamka iyo Kurdiyiinta PKK.

Afhayeen u hadlay dowladda Turkiga, ayaa diiday eedeymaha ka dhanka ah dowladda oo uu ku tilmaamay inay yihiin sheegashooyiin sharaf dhac ah.

Dibadbaxa la qarxiyay waxa lagu dalbanaayay in lagu soo afjaro duqeymaha dowladda Turkiga eek a dhanka ah mucaaradka PKK.