Kenya: 63 boliis oo shaqada laga cayriyay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Boliiska Kenya.

Lixdan iyo saddex boliis reer Kenya ayaa shaqada laga cayriyay iyadoo lagu eedeynayo musuqmaasuq. Talaabadan ayaa ka danbaysay afar iyo toban bilood baaritaano lagu sameeyay ku dhawaad kun iyo afar boqol oo boliis.

Boliiska la cayriyay badankood ayaa u shaqaynayay boliiska nabadgalyada waddooyinka.

Baaritaanka ayaa lagu helay in boliiska nabadgelyada waddooyin ee jidka ka shaqeeya ay si joogta ah lacagta lagu ganaaxo baabuurta ay ugu dirayaan madaxdooda, iyagoo ka diraya taleefoonada mobileka.

Mid ka mid ah afhayeenka boliiska oo sare ayaa ka mid ah dadka la cayriyay.