Hungary oo xiraysa xuduuddeeda

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Xuduudda Hungary iyo Croatia.

Hungary ayaa difaacday go'aankeeda ay ku xirayso xuduudda ay la leedahay Croatia laga bilaabo caawa habeen barka, si ay uga hortagto qaxootiga soo maraya waddankeda ee u socda galbeedka Yurub.

Wasiirka arrimaha dibadda Peter Szijjarto, ayaa sheegay sida ay Midowga Yurub ugu guuldaraysteen inay diraan ciidamo ka hortaga qaxootiga inay Gariiga imaadaan ayaa micnaheedu yahay in Hungary ay qaado tallaabo u gooni ah.

Croatia ayaa sheegtay inay qorshe kula heshiisay Slovenia si looga hortago qaxootiga markii Hungary ay xirtay xudduudda.

Slovenia ayaa beenisay arrintan, laakiin waxay sheegtay in waddamada dariska ah ay samaynayaan wadahadalo hawlgal.