Masar oo baarlamaan cusub dooranaysa

Lahaanshaha sawirka EPA

Doorashada baarlamaanka dalka Masar ee in mudda ah la sugayay ayaa waxa ay ka socotaa howlgallada diblumaasi ee uu dalkaasi ku leeyahay dunida halkaasi oo ay codkooda ku dhiibanayaan dadka u dhashay dalkaasi ee ku nool dibadda.

Goobaha codbixinta ee dalka Masar ayaa furmaya maalinta Axadda ah.

Ururka Ikhwaanul Muslmiin-ka oo tobaneeya sano ahaa xibiga ugu weyn mucaaradka Masar ayaanan ka qeyb qaadaneyn codbixinta kaddib markii dowladda Cabdulfataax Al-Sisi ay shaacisay in uu yahay urur argagixiso.

Taliyiha hore ee ciidammada Masar ayaa sanadkii 2013-kii xilka la wareegay kaddib markii uu xilka ka tuuray madaxweynaha islaamiga ee Maxamed Mursi.

Mr Sisi ayaa markii dambe bishii May sanadkii 2014-kii loo doortay inuu noqdo madaxweynaha dalkaasi.

Taageerayaashiisa ayaa la filayaa in ay helaan aqlabiyada kuraasta baarlamaanka.