Falastiiniyiin lagu dilay Hebron

Ciidamada ammaanka Israel, ayaa sheegay in labo Falastiiniyiin ah la dilay kaddib markii ay isku dayeen in ay weeraraan qof Israeli ah labo dhacdo subaxnimadii sabtiga.

Waxay sheegeen in nin Israeli ah uu ku toogtay Falastiini dhowr iyo toban jir ahaa magaalada Hebron ee daanta galbeed, kaddib markii uu isku dayay in uu tooreey ku weeraro. Wax yar kaddid, bariga Jerusalem, ayey booliska ku dileen barkontrol nin kale oo Falastiini ah oo tooreey sitay.

In ka badan afartan ruux, ayaa ku dhimatay weeraro kuwan oo kale ah oo toddobaadyadii dhawaa dhacay.

Jimicihii, ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, John Kerry, uu la xiriiray hoggaamiyayaasha Israeli iyo Falastiin, si uu ugu adkeeyo degganaansho.

Taliyaha ugu sareeya militeriga Mareykanka, Janaral Joseph Dunford, ayaa toddobadkan u safraya Israel.