Slovenia oo militari ku qaabileysa qaxootiga

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Hungary ayaa xuduudeeda ka xiratay muhaajiriinta

Ra’iisul wasaaraha dalka Slovenia, Miro Cerar, waxa uu sheegay in militari ay caawinayaan booliska si ay uga hortagaan muhaajiriinta halkaasi u wareegtay kaddib markii Hungary ay xiratay xadka ay la wadaagto Croatia.

Waxa uu arrintan ku dhawaaqay kullan uu la yeesha golaha amniga qaran ee dalkaasi.

Laakiin waxa uu tilmaamay in qaxootiga ay u ogolaanayaan inay u gudbaan dalka Austria, haddii xuduuda dalkaasi ay sii furnaato.

Dhanka kale, Booliska dalka Jarmalka waxa ay sheegeen in nin middi ku duray ama Tooryeeyay qof u tartamaayay maayarnimo maalin ka hor doorashooyiinka gudaha uu yahay nin cunsurinimo ay laabqaaday.

Waxa ay sheegeen in ninkaasi uu diidan yahay qaabilidda kumannaanka qof ee muhaajiriinta ah.

Henriette Reker, oo dhaawac halis ah uu qoorta ka gaaray, waxa ay masuul ka ahayd in kumannaan muhaarijiriin ah lagu qaabilo Cologne.

Afhayeen u hadlay booliska waxa uu weriyayaasha u sharaxay ninka weerarka qaaday.

Afar qof oo kale ayaa weerarka ku dhaawacantay, mid ka mid ahna xaaladdiisa waalaga deyrinaayaa.

Siyaasiyiinta iyo taageerayaal ayaa cisbitaalka ku booqday dhibanaha musharaxa ahaa.

Ninka ugu caansan waqooyiga, Rhine-Westphalia - Hannelore Kraft – waxa uu sheegay inay muhiim ahayd in midnimo laga muujiyo dhacdooyiinka noocaas ah.