Muhaajiriin maanta ka gudbay Slovenia

Lahaanshaha sawirka EPA

Boqolaal muhaajiriin oo dheeri ah, ayaa maanta ka gudbay Slovenia oo kaga yimid Croatia, kaddib markii Hungary ay xiratay xadkeeda, ayey ku qasbanaadeen in jidkii ay ku socdeen badalaan.

Labo kun iyo shan boqol, ayaa loo ogolaaday in ay maanta galaan Slovenia. Dowladda Slovenia, waxay ay sheegtay in maalintii ay qaabili karto oo kaliya tiro taa la mid ah.

Hungary, ayaa sheegtay in ay xirtay xadka ay la leedahay Croatia habeen barkii jimcaha, waxyna sababta ku sheegay in hoggaamiyayaasha Midowga Yurub ay ku guuldareysteen in ay ku heshiiyaan qorshe wax looga qabanayo qululka magangalyo doonka.