Baarlamaanka Liibiya oo diiday dalabka UN

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Markii la burburiyay dowladdii Qadaafi, Liibiya waxaa ka bilowday dagaal kooxo hubeysan u dhexeeya

Baarlamaanka Liibiya ee caalamka laga aqoonsan yahay ayaa waxa uu ku guuldareystay meel marinta qorshaha nabadda ee dowladda midnimada qaran lagu dhisayo kaas oo Qaramada midoobey ay soo jeedisay.

Qorshahan ayaa loo arkaa in lagu soo afjari karo qalalaasaha dalkaasi liibiya ka taagan.

Inta badan xubnaha baarlamaankaasi oo fadhigiisu yahay Tobruk ayaa la sheegayaa inay diideen waxa ku qoran qorshahan nabadda.

Dowladaha reergalbeedka iyo Carabta waxa ay Liibiya ku baraarujinaayaan inay ogolaadaan heshiis awood qeybsi oo ay la galaan baarlamaanka ay ishayaan ee fadhigiisu yahay Tripoli, ugu dambeyn maanta.

Qorshahan Qaramada Midoobeey ayaa la sameeyay kaddib bilo wadahadallo nabadeed oo u socday kooxaha ku hardamaya Liibiya.