Suuriya: Afartan iyo shan ku dhimatay weerar Ruushka

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidamada Suuriya ayaa waxaa taageeraya diyaaradaha Ruushka.

Ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhimatay weerar diyaaradaha Ruushka ee waqooyi galbeed Suuriya.

Kooxda xuquuqda biniaadanka ee Suuriya ayaa sheegtay in diyaaradaha Ruushka ay weerarareen Jabal al Akrad ee ka tirsan gobolka Latakia galabnimadiim Isniinta.

Taliyihii ciidanka xoraynta Suuriya oo ay reer galbeedka taageerayeen iyo reerkiisii ayaa ka mid ah dakii la dilay.

Ruushka ayaa sheegay inuu kooxda IS ee joogta Latakia ay ku beegsaday weerarka Isniintii.

Laakiin, mucaaradka ayaa sheegay in kooxda IS aysan joogin ama ku badnayn gobolka oo ay ku xoogan yihiin madaxweyne Bashar al Assad dadkiisa ee Calawiinta Shiicada.