700 oo la sheegay inay ka soo baxeen Al shabaab

Warbixin cusub ayaa sheegaysa in toddobo boqol oo qof oo reer Kenya ah ay guryahooda ku noqdeen sanadihii ugu danbeeyay, kadib markii ay ka soo baxeen kooxaha dagaalama.

Warbixin oo ay soo saareen Ururka Caalamiga ee Dadka Socdaala ee IOM, dowladda Kenya iyo Golaha sare ee Muslimiinta Kenya ayaa heshay in carruurta badankood ee ku biira jihaadka in lagu qasbay. Dadka waawayn ayaa ku biiray iyagoo doonaya.

Golaha sare ee Muslimiinta Kenya ayaa sheegay dadka soo noqday inay u dagaalamayeen Alshabaab.

Warbixinta ayaa ka digtay hadii dadka la dhaqan celin waayo inay xagjirnimo halis ugu jiraan.